MW Xasan ” “Macalinku wuxuu ku jiraa jihaad dhab ah ”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ka dhacday Garoonka Cayaaraha Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr arrin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Macallinka uu galay abaal uu ku mudan yahay in looga abaalmariyo isaga oo intaas ku daray in mar uun loo abaalgudi doonno sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday Macallimiinta Wasaaradda Waxbarashada ay horay u sheegtay in ay qorayso si ay wax uga dhigaan Dugsiyada hoostaga Dowladda Federaalka Soomaaliya, tiradii la shaaciyay ee ahayd 10 kun oo macallin ayuu ka xusay in 6 kun oo keliya hadda ka shaqeeyaan.

Wasaaradda Waxbarashada ayuu faray in ay ka shaqayso sidii loo dhammaystiri lahaa tirada dhiman isla markaana ay diyaariso Dugsiyadii ay wax ku bari lahaayeen Ardayda Soomaaliyeed si ay u helaan Mustaqbal Ifaya sida uu hadalka u dhigay.

“Labada Mujaahid ee jihaadka dhabta ah ku jira waa Askariga & Macallinka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ballanqaadday in 10 kun oo Macallin shaqo geliso, waxaa hadda shaqeysa 6 kun, waxa aan Wasaaradda amrayaa in si degdeg ah usoo dhammaystirto una diyaariso Dugsiyadii ay ka howlgali lahaayeen” Ayuu yiri MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii Ardayda Soomaaliyeed ay heli lahaayeen Qado ay ku cunaan goobahooda Waxbarashada sida uu hadalka u dhigay.

“Ardayda Dugsiyada inta ay joogaan in ay qado ku cunaan oo ay jewiga waxbarasho ku noolaadan ayaan ka shaqeynayna” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud

Munaasabadda maanta dhacday ee Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa waqti ahaan ku beegnayd shalay oo ahayd 21ka Nofeembar balse Wasaaradda Waxbarashada ayaa u wareejisay maanta oo ah 22ka Nofeembar maadaama shalay ay fasax ahaayeen Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed