Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in xeerka doorashooyinka ee maanta golaha guurtidu ansixiyeen uu yahay mid dhaawacaya midnimada Somaliland.
Waxa uu sheegay in xeerka maanta la ansixiyay uu ahaa mid duu duub lagu ansixiyay oo aan marnaba xildhibaanada loo ogolaan in ay akhriyaan, isla markaana uu khataryahay โWaxan hubaa hadii aan xeerka laga gurmanin in doorasho la eedaa ay ka dhici doonto qaranka Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiil kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa ka biyo diidsan qodob sheegaya in ururadu ay u baahanyihiin in ay 20% codadka guud ka helaan gobol kasta si ay xisbi buuxa u noqdaan.
Sidookale, waxa ay rabaan in ururada guushooda lagu saleeyo cod hal dheeri ah, oo ay macnaheedutahay in saddexda urur ee hela codadka ugu badani ay noqdaan xisbiyo rasmi ah.
Xukuumada Somaliland iyo xisbiga UCID, ayaa iyaguna raba in ururadu ay kusoo baxaan cod hal dheeri ah, halka xisbiga Waddani iyo ururka Kaah lagu eedaynayo in ay dabada ka riixaya qodobka sheegaya in ururadu ay 20% codadka guud gobolkasta ka helaan.