Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay ka hadlay madal lagu daahfurayay olalaha is diiwaangalinta doorashada golaha deegaanka ee maamulka galmudug ayaa mucaaradka ugu baaqay in ay xisbiyo siyaasadeed furtaan una diyaargaroobaan in ay ka qayb galaan doorashada.
Mucaaradka oo ku midoobay madasha samatabixinta Soomaaliya oo Muqdisho uga soo idlaaday shir socday saddex maalmood ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku cadeeyeen in aysan doonayn in doorsho dadban dib loogu laabto.
Madaxwayne Kaariye ayaa mucaaradka ugu baaqay, haddii aysan doorasho dadban diyaar u ahayn in ay siku diyaariyaan midda tooska ah, isagoo sidoo kale sheegay in wixii qaldan laga wada hadli doono.
“Haddii aadan doorasho dadban diyaar u ahayn, Xisbiyo soo furta, shuruudaha soo buuxiya, kadibna doodiinna soo bandhiga,” ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxwaynaha ayaa soo dhaweeyay Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo sheegay in doorashada golaha deegaanku ay ka bilaban doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, kadibna loo gudbi doono dhammaan degmooyinka xorta ah ee Galmudug.