MW Qoorqoor oo magacaabis cusub sameeyay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa xalay waqti dambe soosaaray xaanshi uu ku magacaabay Saddex Wasiir, labo Wasiiru-Dowle & hal Wasiir ku xigeen oo ku biiraya liiska Xukuumaddiisa.

Qoor-Qoor ayaa magacaabistiisa ku saleeyay ‘Baahida loo qabo Wasiirradaas iyo kartida ay u leeyihiin’ Wasaaraha loo magacaabay sida uu ku yiri xaanshida magacaabista ah ee Madaxtooyadiisa kasoo baxday.

Waxa uu faray Wasiirradaan in ay gutaan waajibka ka saaran Wasaaradaha loo igmaday isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta Dowlad-Goboleedka Galmudug sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed