MW Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wakiilka xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada ayaa madaxtooyada maamulkaas ku qaabbilay wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka waqtigiisa dhammaaday ee Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saaray Amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda deegaannada Galmudug, Siyaasadda dalka iyo qaabeynta doorashooyinka ku wajahan maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo booqashada ka dib shirjir’aad qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in wafdiga la socday Catriona Lainga ay kormeer ku tageyn dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu.

Wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya ayaa xafiiska timid sanadkii hore, waxa uuna qorshuhu yahay in kulamo kala duwan la yeelato madaxda maamul gobaleedyada ka hor inta aysan shaqada ka tagin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed