Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in la qaban karo Doorashada qof iyo codka ah ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo taasi oo la diyaariyay habraacii loo mari lahaa & shuruucda muhiimka u ah.
Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedka Galmudug kaalinteeda ka qaadaneyso Doorashadaas si looga gudbo tan dadban ee muddo lagu soo dooranayay Baarlamaanka oo sii dooranayay guddoonkooda iyo Madaxweynaha.
Qoorqoor ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro ka gudubka Doorashooyinka Dadban si Shacabka awooddiisa dib loogu soo celiyo una doorto qofka mudan ee metali kara isla markaana la xisaabtami karaan sida uu hadalka u dhigay.
“Doorashada Qof & Codka ah waala qaban karaa, reer Galmudug haddii aynu nahay waxa aan isku heysanaa meelaha ugu habboon ee doorashadu ka dhici karto in aan nahay ayaan isku heysanaa” Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Madaxweynaha DG Galmudug.
Soomaaliya ayaa ku hamineysa qabashada Doorasho Dadweyne si loo furo jabtar cusub oo ah ka gudubka doorashooyinka Dadban, waxaa loo qaybiyay saddex qayb oo kala ah in marka hore laga billaabo Goleyaasha Deegaanka, loo gudbo Dowlad-Goboleedyada & tan Federaalka oo ugu dambeysa.