MW Qoorqoo oo gud u saaray dagaal ka dhacay Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Guddgi Wasiirro ah oo ka kooban 5 xubnood u xilsaaray xal u helista dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Axmed Qoor-Qoor ayaa ciidamada ammaanka faray in ay kala dhexgalaan maleeshiyaadka hubaysan ee dagaalamaya si loo helo waan-waan lagu soo afjarayo xiisadda ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay.

Qoor-Qoor ayaa Wasiirradaan uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Cabdi Waayeel faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dhexgalaan beelaha Walaalaha ah ee Maleeshiyaadkoodu dagaalamay.

Halkaan ka aqriso Xaanshida Magacaabista Guddiga Madaxweyne Qoor-Qoor uu magacaabay:

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed