MW Qoor-Qoor oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Madaxweynaha  iyo wagdigiisa ayaa magaalada Beydhabo si diirran ugu soo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sidoo kale, soo dhaweynta Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminayey , ayaa waxaa qey ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada Baydhabo, Odeyaal iyo Qeybaha kala duwan Bulshada.

Safarka Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa imaanaya xilli uu safar ku joogay magaalada Muqdisho.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed