MW Muuse Biixi oo wada Ololihiisa Doorashada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xoojiyay ololihiisa Doorashada, waxa uu safar ku marayaa deegaanno kala duwan oo  ka tirsan Soomaliland si uu u muujiyo awoodda Xisbigiisu u yeelan karo Doorashooyinka soo socda.

Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha la socda ayaa si weyn maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Gabiley isagoona meel fagaaro ah kula hadlay taageerayaashiisa isugu soo baxay in ay kusoo dhaweeyaan.

Xubnaha Ololaha u qaabilsan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaqaale badan geliyay socdaalkiisa, Dadka soo dhaweynaya, Diyaarinta Gaadiidka lagu dhejiyay sawirkiisa iyo waxyaabaha kale ee ku baxaya ololahaan.

Marka la eego dhaqdhaqaaqa Doorashada Somaliland waxaa keliya ee haatan muuqda waa Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo doonaya in uu difaacyo awoodda uu ku maamulayay deegaannadaas mud dheer.

Madaxweynaha talada Soomaliland haya ee Muuse Biixi Cabdi ayaana Xisbiga Kulmiye markale u sharax xilka Madaxweyne ee Soomaliland .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed