MW Lugatoor oo la kulmay masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa warbixin ku aadan xaalada Wadooyinka Puntland ka dhegeystay masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).
Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo ay weheliyaan Injineero ka tirsan Hay’adda ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogihii u dambeeyey ee Jidadka oo ay ka mid yihiin Wadooyinka la dhisay, kuwa la dayactiray, iyo kuwa qorshaysan in dib u dhis lagu sameeyo oo hay’addu diyaarisay dhammaan daraasaadkoodii.
Kulanka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Mohamed Jama Abdirahman

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed