MW Lugatoor oo furay Tartanka kubada cagta gobolada Puntland

Madaxwayne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa si rasmi ah galabta udaahfuray Tartanka Kubada cagta ee Gobolada Puntland oo uu mar kale marti galinayso Caasimada Garoowe.
Qaar kamid ah Golaha xukuumada , Maanulka Gobolka, Kan Degmada Garoowe iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Puntland ayaa ka qayb galay Daahfurka tartanka.
Tartanka ayaa lagu daahfurayay Gobolada Nugaal iyo Raas casayr, kulanka lagu daahfuray ayaa ahaa kulan aad uxiiso badan iyadoo labada Kooxood ee Gobolada Nugaal iyo Raas Casayr ay soo bandhigeen ciyaar Wanaagsan.
gobolka Nugaal oo ah marti galiyaha koobka ayaa 1-0 guushu ku raacday galabta waxaanu difaacanayaa Koobka gobolada Puntland .
Sawiro

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed