MW Laftareen iyo Maxamed Mursal oo Hishiis ku gaaray Nairobi

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxaed Laftagareen ayaa heshiis la gaarey dhinacyada mucaaradka ee maamulkaasi oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii golaha shacabka, Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Qoraal ay dhinacyada soo saareen ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaarey kala arragti duwanaashiyaha u dhaxeeyay labada dhinac ee la xiriiray dhinaca siyaasadda.

“Waxaa Maanta Magaalada Narobia kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, Wadajirka iyo Hormarka Koonfur Galbeed iyo Guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale, Maxamed Mursal ayaa xaqiijiyay in heshiis rasmi ah ay ka gaareen khilaafka ka dhaxeeyay labadad dhinac.

“Waxaan ka heshiinnay in aan meesha ka saarno kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed ee naga dhexeeyay, anagoo si mideysan uga shaqayn doona midnimada, wadajirka, iyo horumarka dalka guud ahaan iyo deegaanka Koonfur Galbee” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Heshiiska ay gaareen dhinacyada ayaa ku soo aadaya xilli 21 bishaan October Garoonka Magaalada Baydhabo laga hor istaagey in ay ka soo dagaan xubnaha siyaasiyiinta ee doonaya in ay la tartamaan Cabdicasiis Laftagareen oo ay sheegeen inuu diidan yahay qabashada doorasho.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed