MW Laftagareen oo xariga ka jaray 200 oo guri oo loo dhisay dadka Barakacayaasha ah

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray 200 oo Guri oo loo dhisay Qaar kamid ah Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Munaasabada Xaragjarka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro, Maamulka gobolka Baay kan Degmada Baydhabo, Madax ka socotay Hay’addaha NRC,UNHABITED, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

Dhismaha Guriyaashan ayaa iska kaashaday Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’addaha UN HABITED iyo NRC waana mid  dib udejin loogu Samaynayo Dadka Barakacayaasha ah. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ma sheegin in dadka la dajiyey guryahaan ay milkiyadooda lahaan doonaan iyo in ay si ku meel gaar ah u dagnaan doonaan, balse dadka la dajiyey ayaa ka mid qoysas magaalada ku soo barakacay sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ka soo barakacay deegaanadooda ka gadaalkii markii ay saameen ku yeesheen Abaartii ka dhacday guud ahaan dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed