MW Laftagareen oo la kulmay saraakiil ka socotay UK

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed Captain Alex iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Inta kulanka socday ayaa madaxda waxa uga wada hadleen Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku Saabsan ka Hortagida dagaallada ay soo qaado kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto deegaannadaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed