Siyaasi Jaamac Cali Jaamac oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Puntland ayaa caawa ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Jaamac Cali Jaamac waxa uu madaxweynaha Puntland ahaa intii u dhaxaysay Oktoobar 2001- Maajo 2002, markaas wixii ka dambeeyay oo Puntland gashay xaalad dagaal.
Sidoo kale siyaasi Jaamac Cali Jaamac wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dowladdii Kacaanka iyo asaasayaashii Puntland.
Madaxda dowladda Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid siyaasi Jamaac Cali Jaamac.

