Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal murugo ah u diray dhammaan dadka iyo ganacsatada hantidoodii ku waayey ama waxyeelladu ka soo gaadhay dabkii ka kacay xalay Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynihii 5-aad ee Soomaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Isu taga Imaaraatka Carabta ayaa Alle uga baryey ganacsatadii suuqa gubtay inuu siiyo cawil celin khayr qabta, shacabweynaha iyo Xukuumada Cirro waxa uu ka codsanayaa inay garab ku siiyaan ganacsatadaa dhibtaadu soo gaadhay sidii ay mar kale lugohooda ugu istaagi lahaayeen, cawil celinna uga heli lahaayeen hantidoodii waxyeelladu soo gaadhay.
Dabayaaqadii bishii March, 2022 ayaa sidan oo kale dab ka kacay suuqii weynaa ee Waaheen ee magaalada Hargeysa waxa uu dhibaato laxaad leh ay ka soo gadhay ganacsatadii suuqaasi kuwaasi oo ku waayay hanti badan.
Sidaasi si la mid ah ayaa dab ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Tog Wajaale waxa ku xoolo waayay ganacsato badan oo hantidoodu ku gubatay suuqaasi mudo haatan laga joogo sanad.