Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MW Hore Farmaajo oo si kulul uga hadlay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni

Madaxweyne hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal ka soo saaray dagaalkii Raaskambooni ayaa sheegay in wax laga xumaado ay ahayd in ciidan Soomaali ay dhexdooda dagaalamaan, waxaana uu ka digay in tani ay tahay mid uga soo dari karta xaalad adag ay ciidamadu xilligaani marayaan.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo qoraalkiisa ku yiri โ€œDagaalka ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray Ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya.

โ€œWaxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada.โ€ayuu qoraalkiisa ku sheegay Madaxweyne Farmaajo

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku sheeay in uu marar badan uu ka digay inay dhacaan dhacdooyin noocani la xiriira, waxa uu yiri โ€œwaxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan goโ€™aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna.โ€

Ugu dambeyn, waxa uu ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed