MW Hore Farmaajo muxuu u yimid Muqdisho?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada  Muqdisho

Hadal kooban oo jeediyay ayuu ku sheegay inuu magaalada Muqdisho u tagay, sidii uu uga  qeyb qaadan lahaa dedaalada xal loogu raadinayo wax ka beddelka  dastuurka dalka.

“Maanta, waxaan dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho oo aan ka sii amba-qaadayno dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Marxaladdan xasaasiga ah waxaa waajib ah in aynu gacmaha is qabsanno oo meel iska dhigno khilaafaadka siyaasadeed.” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo ah xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan aqalka Hoose, ayaa horey uga horyimid tallaabada ay dowladdu ku doonayso in ay wax uga beddesho qodobo kamid ah dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed