MW Hore Farmaajo ka digay in uu dalku galo qalalaase Siyaasadeed

War saxaafadeed uu kasoo saaray siyaasadda guud ee dalka hadda uu maraayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku sheegay in Dalku uu galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri “Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada ay yihiin hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waxana uu eed kulul dusha uga tuuray in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waxaana uu ku tilmaamay tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed