Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MW Hore Axmed Siilaanyo oo Hargaysa ku Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay Hargaysa ku geeriyooday sida ay qoyskiisu warbaahinta u sheegeen isaga oo 86 sanno jir ah.

Siilaayo oo ku dhashay magaalada Burco ee Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland (Somaliland-ta maanta) sannadkii 1938, ayaa soo noqday madaxweynaha Somaliland intii u dhaxaysay sannadkii 2010 iyo 2017, isaga oo ahaa aasaasihii xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Silaanyo ayaa kamid ahaa hoggaankii ururkii Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Soomaaliyeed ee SNM, isaga oo guddoomiye ka ahaa intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1990, waxa kale oo uu soo noqday wasiirkii qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadii Soomaalida sannadihii 1965 ilaa 1973 iyo Wasiirkii ganacsiga sannadihii 1973 ilaa 1978 iyo 1980 ilaa 1982.

Waxa kale oo uu soo noqday wasiirka maaliyada ee Somaliland sannadihi 1997 ilaa 1999, iyo xubin  ka tirsan golaha wakiilada  intii u dhaxaysay 1993 ilaa 1996.

Waxa uu ahaa hoggaamiye aad loogu xasuusto dhaqdhaqaaqii SNM ee xukunkii kacaanka xilka ka tuuray, sidookale sannadihii 2002 ilaa 2010, ayaa lagu xasuustaa mucaaradadii adkayd ee uu kala hor yimid xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin.

Silaanyo ayaan sannadihii u danbaysay aan lagu arag fagaarayaasha siyaasada Somaliland, isaga oo ku koobnaa gurigiisa uu ka daganyahay magaalada Hargaysa, isaga oo ka cabanayay daโ€™a iyo xanuuno haleelay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed