MW Guudlaawe “Waxa aan xoogga saarnay Amniga, Garsoorka, iyo….”

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay sanad guurada 8aad ee aasaaska Dowlad-Goboleedkaas, waxa uu dul istaagay Amniga, horumarka, Siyaasadda, dhaqaalaha & taariikhda maamulkaas.

Waxa uu u mahadceliyay dadkii aasaasay Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ee usoo dulqaatay ka gudubka caqabadaha kahor yimid isla markaana lagu gaaray guulaha iyo isbaddelka haatan muuqda sida uu hadalka u dhigay.

Saddex qodob ayuu sheegay in ay diiradda saareen oo mid weliba muhiimad gaar ah leh sida sugidda amniga oo dagaallo adag lala galay ‘AS’ lagana qabsaday deegaanno kala duwan, isbaddelka ka dhashayna uu yahay mid muuqda.

“Muddo 9 bil ah ayaa loo fadhiyay dhismaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waana lagu guuleystay, waxa aan xoogga saarnay Amniga, Garsoorka, arrimaha Bulshada, Maamul daadajinta & Dhaqaalaha” MW DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Mashaariicda lagu horumarinayo biyo xireennada iyo kuwa looga hortagayo fatahaadaha ayuu tilmaamay in meel wanaagsan marayaan, ujeedka howshaas loo qabtay ayuu ku tilmaamay in laga fogaado saameynta taban ee ka dhalata fatahaadda webiga Shabeelle.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed