MW Guudlaawe oo madaxda Hay’adda FAO kala shiray howlo ay ka wadaan Hirshabeelle

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adda Cunada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobe ee (FAO) waxana shirkaas goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarrada Beeraha ee Dowladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiirka Wasaarrada Beeraha Dowladda Hirshabeelle Maxamed Faarax Cali.
Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dhammeystirka mashaariicdii horay u socotay, bilaabida mashaariic cusub iyo qaabteynta howlaha labada dhinac hor-tebinta u leh.
“Dowladda Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo dhankeeda ah, si loo qabto howl-hufan oo labada dhinac taariikh u sameyso.”
Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka FAO ay ku bixineyso deeganada Dowladda Hirshabeelle.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed