MW Guudlaawe oo la kulmay madaxda Hay’addaha amniga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan ku aadan adkeynta amniga waxa uu la yeeshay Saraakiisha Ciidamada ee Dowladda Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee Dowladda Hirshabeelle, sidoo kale saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixino amni iyo gulufka Khawaarijta halka uu marayo.
“Waa inaan guud ahaan Hirshabeelle kaga adkaanaa Khawaarijta, waa idin ku boogaadinayaa sida aad dhagarahooda ugu hortagtaan habbeen iyo maalin.”
Gabogabadii Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay shacabka Dowladda Hirshabeelle oo garab u noqday Hay’addaha amniga taas oo suuragal ka dhigtay xasiloonida deegaannada Dowladda Hirshabeelle.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed