MW Guudlaawe oo gaarey degmada Raagge-Ceelle

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo gaaray degmada Raagge-Ceelle ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Maamulka degmada iyo shacabka Raagge-ceelle ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha fulinta, sharci-dejinta, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku mari doono degmooyinka Hirshabeelle waxaana uu socdaalkiisa daaran yahay xarig-jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic kala duwan ee Horumarinta degmooyinka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mudadda uu ku jiro safarkiisa waxa uu dardargelin doonaa wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka Soomaaliyeed.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Raagge-Ceelle oo cadowga xor ka ah soo booqdo. Waxaan halkan u imid sidii la idin kugu dhammeystiri lahaa heykalka Dowladnimadda oo ay u horeeyaan dhismaha xaruumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaallaha” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen maamulka iyo shacabka degmada Raagge-Ceelle.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed