MW Guudlaawe oo gaaray Magaalada Garowe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland oo uu uga qeybgalayo Caleema-saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay ee DPuntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa markale u hambalyeeyay Madaxweyne Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha  Puntland.
wufuud kala duwan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Garowe kuwaas oo lagu marti qaaday Caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed