MW Guudlaawe oo fariin adag faray madaxadA Hay’addaha QM

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas kulan kula qaatay masuuliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiradda waxaa lagu soo saaray sidii loo kordhin lahaa shaqada ay ka hayaan deegaannada maamulkaas, isaga oo madaxweynaha uga mahadceliyey Hay’adahaan mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.”

Wafdiga Hay’adaha ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid, kaas oo madaxda maamulka la wadaagay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle, waxa uu xusay inay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee ka wadaan deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray mas’uuliyiinta Hay’addihii uu maanta kulanka la qaatay in ay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed