MW Firdhiye oo xilka u kala wareejiyay Sarakiisha Asluubta SSC

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ka qaybgalay Munaasibad uu xilka kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta SSC-Khaatumo.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Cadddaalada Mud. Cabdi Sahal Jamac Maxamed ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha Booliska Gen Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan oo si ku meel gaadh ah masuul uga sii ahaa Asluubta iyo Taliyaha Cusub ee ciidanka Asluubta G/Sare Jaamac Saxardiid Barre.
Munaasibadda oo ka dhacday Xabsiga Dhexe ee G/Sool ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubno ka tirsan Golayaasha Dawladda, Maamulka Caasimadda, Madaxda Hay’adda Garsoorka, Saraakiil ka kala socotay Ciidamada Booliska iyo Asluuta.
Hoggaamiyaha ayaa Ciidanka Asluubta ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan shacabkooda iyo sida hufan ee ay uga soo dhalaaleen maamulka iyo maareynta xabsiyada deegaanka.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub iyo Sarakiisha Asluubta in ay laba laabaan dedaalkooda ku aaddan ilaalinta iyo adkaynta Amniga Xabsiyada deegaanka oo qaarkood ay ku jiraan Maxaabiis Dagaal oo aad u tiro badan, kuwaas oo sugaya in ay wajahaan Caddaaladda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed