Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u duulay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu soo gabagaboobay shirkii Golaha Mustaqbalka ee dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku sii maraya dalka Itoobiya, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha uu u tagay Imaaraadka.
Safaradda uu ku tago Deni Imaaraatka ayaa sii xoogeysanyey sanadkan dhammaadka ah, Waxaana inta badan looga hadlaa kulamada Dubai arrimaha Puntland iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida ay xukuumadu marar badan sidaas ku shaacisay.
Imaaraadka Carabta wuxuu xiriir dhow la leeyahay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland xiriirkaas oo mararka qaarkood ka muuqda mid ka xooggan kan ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay eedeymo siyaasadeed oo ku saabsan faragelin u muuqata inuu ku samaynayo arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Xiriirka gaar ah ay la leeyihiin Madaxweyne Siciid Deni ayaa ah mid aan qarsoonayn waxaana Puntland ay inta badan ka heshaa taageero dhaqaale iyo mid ciidan. Taageeradan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay iskaashi dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dhinac.
Imaaraadka Carabta ayaa door muuqda ku leh kaabayaasha dhaqaale iyo amniga Puntland, iyagoo gacanta ku haya dekedda Boosaaso, isla markaana ka qeyb qaata tababarka iyo qalabaynta ciidamada PMPF ee Puntland, sidoo kale Diyaaradahooda ayaa qayb ka ahaa dagaalka Buuraha Calmiskaad.

