MW Deni oo soo xiray shirka Jihaynta xukuumada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.
Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed