Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Horumarinta degmada Boosaaso kuwaas oo laga soo xulay qeybaha bulshada magaalada sida ganacsatada, nabadoonada, aqoonyahanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada. Guddigan ayaa lagu wado inay noqdaan kuwo ka shaqeeya sidii Boosaaso ay u heli lahayd horumar muuqda iyo adeegyo bulshada ka haqabtira baahiyaha aasaasiga ah.
Guddiga cusub ee horumarinta Boosaaso ayaa laga filayaa inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa qorshayaal waara oo bulshada iyo ganacsatada magaalada ka caawin kara dhanka horumarka isla markaana kor loogu qaadi karo adeegyada daruuriga ah. Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhiirrigeliyaan habab isku tashi ah oo bulshada si toos ah ugu lug yeelan karto.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sida oo kale dhisay Degmooyinka Ceelbhu iyo Baraagaha qol oo ka kala tirsan gobolada Haylan iyo Sanaag ka dib talo soo jeedin ka timid Wasaarada arimaha gudaha Puntland sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland

