MW Deni oo magacaabay gudiga Taakuleynta ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta iyo Daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada.

Dikreeto ka soo baxday Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku socod-siiyay dhammaan wasaaradaha ay khusayso ayuu ku magacaabay guddiga Taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ka shaqayn doona Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Calmiskaad, waxaana ay kala yihiin xubnaha guddigani:

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre
6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid
7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle

Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan Xafiisyada ay khusayso Hawshani in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed