MW Deni oo magacaabay gudiga Dardargalinta Ganacsiga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay gudiga dardargalinta ganacsiga Puntland .
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in gudigani ay xoga saari doonan qiimeynta ilaha dhaqaalaha Puntland si kor loogu qaado dakhliga.
Magacyada Xubnaha Guddiga:
1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin
Waajibaadka Guddiga:
1.Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.
2.Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.
3.Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.
Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed