Caleema-saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka dhacaya saaka magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
wufuud culus oo iskugu jira Ra’iisul wasaarayaal hore , madaxda maamulada dalka madaxweynayaal hore ,siyaasiyiin iyo marti kale oo lagu casuumay caleema-saarka ayaana ku sugan magaalada Garowe .
amniga magaalada iyo goobta caleema-saarka ayaa aad loo adkeeyay madaama ay ku sugan yihiin madax xilal kala duwan haya iyo kuwo soo qabtay .
Madaxweyne Deni ku-xigeenkiis iyo gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaana lagu caleema-saaraya xaflada iyadoona xaflada kale ay caawa ka dhici doonto gudaha madaxtoooyada.