MW Deni oo la kulmay Isimada gobolka Sanaag

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa kulan la qaatay Wafdiga Dhaqanka ee Gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari oo ay hoggaaminayaan Isimada dhaqanku, iyadoo ay Shirka ka qeybgaleen Isimada dhaqanka, Cuqaasha iyo xubnaha Goleyaasha Dowladda ku metela Gobolladaasi.

Shirka ayaa looga hadlay adkeynta midnimada, wadajirka, difaaca Dowladdnimada Puntland iyo deegaannadeeda iyo dhameystirka Hawlgalka Calmiskaad ee Hillaac iyo u diyaargarowga Hawlgalka Onkod ee Argagixisada Alshabaab looga sifeynayo buuralayda Calmadow. Dowladdu waxay Dhaqanka iyo waxgaradka ka dhegaysatay sidii loo xallin lahaa tabashooyinka dadka deegaannadaasi qabaan ee dhinacyada horumarka iyo xilalka Dowladda.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolladaasi sida dhameystirka Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo iyo hirgelinta mashaariic cusub oo ku imanaya baahiyaha deegaanka, waxaana Shirka uu socon doonnaa muddo saddex maalmood ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed