MW Deni oo kulan la yeeshay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaara ah la qaatay Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Richard H. Riley iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay Safiirka.

Daqiiqado kooban oo ay wadahadlayeen waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga, maalgashiga, dhaqaalaha, dowlad dhiska, iyo qodobo kale, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehliyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, waxaana ay la kulmeen mas’uuliyiinta la socotay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ee fadhiga gaarka ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Richard H. Riley Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku guda jira la kulanka madaxda Sare Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, isaga kala hadlay xoojinta Amniga, Iskaashiga & la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed