MW Deni oo ka tacisyeeyay Geeridii Maryan Guduudo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Maryan Maxamed Ciise (Maryan Guduudo) oo ka mid aheyd Haweenka Puntland ee doorka muuqda kaso qaatay Aasaaskii Dowladda Puntland.
“Waxaan ka tacsiyadeeynayaa geerida Allaah ha u naxariistee Maryan Maxamed Ciise (Maryan Gaduudo) oo ka mid aheyd haldoorka Puntland, waxay ka mid aheyd haweenkii kaalinta weyn ka qaatay aasaaskii Puntland, sidoo kale waxay soo noqotay Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Bari.
Waxay aheyd shakhsi wakhtigeeda inta ugu badan gelisay arrimaha bulshada iyo sidii Haweenka Puntland u qaadan lahaayeen dorkooda Dowladnimo iyo horumarin, waxaan tacsi u diraya shacabka Puntland gaar ahaan Haweenka Puntland, eheladii, asxaabtii iyo qoyskii ay ka geeriyootay.
Allaah waxaan uga baryayaa in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan uu inaga siiyo, Aamiin. “

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed