MW Deni oo Garoowe ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay  hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in maamulkaan uu iskiis u go’aansaday la dhaqanka beesha caalamka, ka dib meelmarintii Dastuurka, iyada oo lagu yiri, “Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee  Go’aanka Puntland.”

Kulanka Deni iyo Catriona ayaa diiradda Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay ku xigeenka Madaxweynaha  Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed