MW Deni oo booqday xarunta la socodka Doorashada Nugaal

Madaxwaynaha Dawlada Puntland Siciid Cabdulahi Dani ayaa Kormeer iyo Indho indhayn ku tagay Xarunta la socodka Doorashooyinka Puntland .
Madaxweynaha ayaa qayb qayb uga dhagaystay warbixinta habsami u socodka doorashada sida Police-ka oo ka warbixiyey kiisaskii dhacay, qaybta la socodka xogta doorashada oo ka warbixiyey seejooyinka iyo xogta codbixinta, waqtiga ay xirmeen seejooyinka, bilowga tirinta codadka, qaybta la socodka arimaha haweenka iyo qaybta caafimaadka.
Madaxweynaha waxa uu sidoo kale warbixin ka dhagaystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Axmed Maxamuud Cumar oo warbixin guud ka siiyey doorashada iyo Guddoomiyaha Daladda Bulshada rayidka ah ee PUNSAA Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.
Ugu dambayn Madaxweynaha oo hadlay ayaa u Mahadceliyey bulshada codaysay iyo dhammaan hawl wadeenada daadihinayey habsami u socodka doorashada hawl karnimada iyo shaqada ay qabteen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed