MW Deni oo booqday xarumaha Hay’addah amniga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Hay’adaha Amniga Puntland ee Magaalada Garowe.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn booqday Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland halkaas oo uu warbixin ka dhageystay madaxda taliska sida oo kale madaxweyanaha ayaa kormeeray , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Dowladda Puntland ee (PISA).
Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga.
Dowladda Puntland ayaa Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka siinaysa muhiimad gaar ah, waxaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka shaqadii 5-ta sano ee hore laga qabtay tababarka, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Dowladda Puntland sidaas ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed