Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeyb galay daahfurka qorshaha horumarinta Puntland ee 5-sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Deni ayaa boggaadiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii horumarinta Puntland ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha 5-ta sano ee soo socota oo ay si nidaamsan u soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta.
Dimuqraadiyada wixii ku baxay dowladdaa 80% bixisay, Waxbarashada kharashka ku baxa Dowladda iyo Shacabka ayaa 80% bixiya, iyaga dhismayaal iyo waxyaabo kooban waa jiraa oo nalaga taageero.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Golaha Xukuumadda, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururada Bulshada, khuburo aqoon u leh qorsheynta, La-taliyeyaal iyo marti sharaf kale .