Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 54-aad ee Golaha Wakiillada Puntland .
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd uga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha waxqabad ee u yaalla Xukuumadda , wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha Federaalka isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in laga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha magaaladda Muqdisho.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid , Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Garsoorka, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Madaxtooyo, Isimada Dhaqanka , Ururada Bulshada iyo marti sharaf kale .