Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta la kulmay guddigii dhowaan loo xilsaaray tirakoobka Ciidanka Somaliland si loo jaangooyo siyaasadda dib loogu habeynayo.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay Guddiga iyo taliyayaasha Ciidamada Militariga, Asluubta, Booliiska iyo sirdoonka iyaga oo la wadaagay halka ay wax marinayaan.
Cirro ayaa dhankiisa sheegay in Bishaan Febaraayo ee maanta billaabatay wixii ka dambeeya la diiwaangelin doonno ciidamada weliba si casri ah, waxaa miiska saaran kordhinta mushaarkooda oo lagu saleynayo Miisaaniyadda Maamulkaas.
Dib u habeynta iyo ka warqabkooda waxa ay kamid ahaayeen waxyaabaha inta badan uu Cabdiraxmaan Cirro ku dhaliili jiray Madaxweynihii xilka ku wareejiyay ee Muuse Biixi Cabdi, waxaa la eegayaa sida uu wax uga baddelo.