Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa safarkiisii ugu horreeyay saaka ugu ambabaxay waddanka Isutaga Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa saaxiib dhow la ahayd xukuumadihii xisbiga Kulmiye, taas oo sababtay in ay boqollaal milyan oo dollar uu Imaaraatku ku maalgeliyo dib u dhiska Dekedda Berbera, Madaarka Berbera iyo waddada isku xidha Berbera iyo magaalo-ganacsiyeedka Wajaale.
Madaxweyne Cirro ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn uga soo horjeeday maalgelinta DPWorld ee Dekedda Berbera, isaga oo u arkayay in aanay faa’iido weyn u yeelan doonin dekedda. Laakiin madaxweynaha ayaa fikirkiisa beddelay kadib markii dekedda la ballaadhiyay.
Imaaraatka ayaa ka mid ah waddamada xafiisyada matalaada ah ku leh Hargeysa. Sidoo kale, Somaliland ayaa xafiis matalaadeed ku leh Imaaraatka Carabta. Lama oga waxa uu daaran yahay safarka madaxweynuhu ilaa hadda.