Madaxweynaha Soomaliland Cabdiraxmaan Ciro oo booqday dabkii suuqa Idaacada xalay ka kacay ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowladiisu ay garab taagan tahay shacabkii ku hanti beelay dabkaasi.
”Waxaan la dareen ahay Dadkii ay dhibataadu kasoo gaartay Dabkii xalay ka kacay suuqa ” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro.
dhinaca kale shacabka iyo ganacsatada reer Soomaliland ayuu ugu baaqay in ay soo garab istaagan walalohooda dhibtu ka soo gaadhay dabkaasi.
Madaxweynaha ayaa sida oo kale sheegay in ay mihiim tahay in la ogaado sababta dabku ugu soo noqnoqonayo suuqyada Soomaliland taas oo uu sheegay in loo baahan yahay xal ka gaarid deg deg ah
“Dabku waa uu inagu soo noqnoqday, halbowlayaashii dhaqaalaheennana waa uu burburiyay. Markaa arrintaasi waxay ay u baahan tahay tallo qaran.”
hore waxaa marar kala duwan gubtay suuqyo kala duwan oo ku yaala deeganada Soomaliland kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan iyadoona loo sababeeyay ciriirga goobaha ganacsiga oo si fudud uu ku fidi karo dabku iyo wadooyin xumo ka dhex jirta suuqyada Soomaliland .