MW Axmed Madoobe oo Maamul cusub u magaacabay Degmada Baardheere

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu maamul cusub ugu magacaabay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa guddoomiyaha degmada ugu magacaabay Adan Muxumed Axmed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere u magacaabay Saleeban Cabdi Badal, kaas oo badali doona ku xigeenkii hore.

Magacaabistaas oo lagu faafiyey barta Facebook ee madaxtooyada Jubbaland ayaan la sheegin sababta keentay in xilligaan maamul cusub loo magacaabo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed