Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Booqashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaneysa xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran, taasoo muujisay khilaaf sii xoogeysanaya oo ka dhexeeya dowladda Federaalka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo la filayo in dhowaan la isugu yeero fadhi kale oo Golaha Wadatashiga Qaran ah.