MW Axmed Madoobe oo daah-furay Imtixaanka fasalka 8aad ee DG Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbalnad Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas oo maanta si rasmi ah u billowday.

Axmed Madoobe ayaa Ardayda u rajeeyay in ay guul ka gaaraan Imtixaanka maanta u billowday waxaana uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan dedaalkooda si ay u rumeeyaan hamiga ay ka leeyihiin dhanka Waxbarashada.

Waxa uu ku amaanay dulqaadka ay u muujiyeen Waxbarashada maadaama ay usoo dhabar-adeegeen ilaa ay kasoo gaareen in ay maanta u fadhiistaan Imtixaanka ay uga gudbiyaan Dugsiga Dhexe si ay ugu biiraan Dugsiga Sare.

Sanad weliba Bilaha May & June waxaa la qaadaa Imtixaanka Dugsiga Dhexe waa fasalka 8aad iyo kan sare oo ah fasalka 12aad ama 4aad dadka qaar sida ay u garanayaan, waxaana ardayda kaalmaha hore gala lagu abaalmariyo Waxbarasho bilaash ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed