Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Muxuu yahay qorshaha Isbeddelka Qaranka ee uu daahfuray RW Xamse ?

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.
Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.
โ€œQorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faaโ€™iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaaleโ€.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.
Soomaaliya ayuu tilmaamay Raโ€™iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Raโ€™iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed