Muxuu yahay hishiiska ay kala saxiixdeen DFS iyo Qatar?

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada Wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed