Kulan maanta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa xaruntiisa ayaa u baaqday Kooram la’aan kaddib markii ay xaadireen 130 mudane waxaana ka harsan 9 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golahaas Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Shir-guddoonka ahaa.
Sababta keentay Kooram la’aanta ayuu Guddoomiye Abshirow ku sheegay in Guddiga Maaliyadda oo ka kooban dhowr & toban Xildhibaan ay ku maqan yihiin tababar ka socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Waxa uu digniin kasoo saaray in kulanka kan xiga oo Arbacada ah uu u baaqdo Kooram la’aan maadaama ay jiraan Xildhibaanno u safraya dhanka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo sanad-guuro dhiganeysa, si looga baaqda baaqasho kale waxa uu ka codsaday in ay saxiixaan liiska.
“Ilaa hadda oo ah 11:30 AM waxaa xaadir ah 130 Xildhibaan, 9 Xildhibaan oo ka maqan fadhiga si uu Kooramka u dhammaado ayuu u baaqday kulanka Baarlamaanka, Xildhibaanno badan ayaa safar ku maqan, kuwo kale ayaa u safraya Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo Caawa Xaflad ka qaybgalaya” Ayuu yiri Cabdullaahi Cumar Abshirow.